U bood dhigaalka

Hiiraan: Rag Ka Tirsan Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta ay maamulkooda isku soo dhiibeen Laba nin oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in raggan ay yihiin dhallinyaro, islamarkaana ay xiriir lasoo sameeyeen maamulka degmad Jalalaqsi iyo saraakiisha ciidamada ee degmadaasi ku sugan.

Ma aanu sheegin guddoomiyaha magacyada raggan iyo sidoo kale xilalka ay ka dhex hayeen Al-shabaab.

Dhanka kale guddoomiyaha Jalalaqsi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey Madaafiic gelinkii dambe ee maanta Al-shabaab kusoo tuureen degmadaasi.

Wuxuu sheegay in duleedka degmada ay madaaficdan kasoo tuureen, balse aanu khasaare ka dhalay oo ay ku dhaceen meel aysan dad joogin.

Duqeynta kadib ayuu sheegay iney ku baxeen ciidmada dowladda, balse raggii madaafiicda soo tuurey ay goobta isaga baxsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News