U bood dhigaalka

Hilary Clinton oo sheegtay in Mareykanka Raadin Doono Noolaha Kale ee Ku Nool Meerayaasha Kale.

Haweeneyda ka tirsan Xisbiga Dimoqoraadiga isla markaana u tartantameysa Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in haddii ay Madaxweynimo ku guuleysato ay Hawada sare u diri doonto Culumo wax ka ogaado noolaha kale ee la sheegayo in ay ku noolyihiin Meerayaasha kale ee dhulka ka baxsan.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Dailymail, Cilinton waxaa ay sheegtay in ay rumeysan tahay noolayaashaas, isla markaana ay dooneyso in ay ogaato runta arrintaas ku saabsan.
Arrinta ayaa timid saacado kadib markii Culumo Mareykan ah ay sheegeen in ay meeraha Maars ku arkeen qalfoof tusineysa in ay halkaas noolo joogaan, arrintaas oo dad badan la yaab ku noqotay.

Noolaha oo afka qalaad lagu dhaho Aliens waxaa lagu keenaa Filimada Hollywood iyo Bollywood, waxay sheegeen in ay yimaadeen dhulka waqtiyo hore, Lakin xaqiiqdooda iyo jiritaankooda waxaa ka taagan su’aalo badan.

Goobjoog News