U bood dhigaalka

Hillary Clinton Iyo Donald Trump ayaa Ku Horeeya Doorashadii Super Tuesday

Sheeko:Dalka

Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa sii xoojiyay fursadda ay ku matali karaan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga.

Cod bixiyeyaasha ayaa Talaadadii u dareeray gobollo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Clinton waxaa ay ku guuleysatay Alabama, Arkansas, Georgia, Massachusetts, Tennessee, Texas iyo Virginia,

Dhinaca kale Trump waxaa uu ku guuleystay  Alabama, Arkansas Georgia, Massachusetts, Tennessee, Vermont iyo Virginia.

Bernie Sanders iyo Clinton waxaa si weyn isugu heysteen Colorado, Oklahoma, Minnesota iyo xitaa meesha uu ku dhashay Vermont.

Donald Trump waxaa uu hor socdaa doorashada xisbiga Jamhuuriyiinta, xili dadka la yaaban yihiin  erayada uu ka sheego dadka soo galootiga ah iyo Muslimiinta.

Doorashada Mareyakanka kala soco Goobjoog News