U bood dhigaalka

Hilowlo Aadan: Waxaan ugu baaqayaa Barre Hiiraale ka qayb qaadashada nabadeynta

Sheeko:Dalka
HILOWLE-AADAN-MAXAMED
Hilowle Aadan Maxamed

Mid ka mid ah aas aasayaasha maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba ayaa sheegay in Barre Aadan Shire (Hiiraale) wixii xilligan ka danbeeya ay ugu baaqayaan ka qayb galka dadaalada lagu doonayo isu-keenista beelaha wada dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hilowle Aadan oo ka mid ah aas aasayaasha maamulkaasi ayaa sheegay in marar badan ay ugu baaqeen Barre Hiiraale ka qayb galka shirarka looga hadlayo nabad galyada goboladaasi.

Hilowle oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ka shaqaynta nabad galyada goboladaasi daw ay u tahay dhammaan dadka halkaasi ku nool.

Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaan ka qeyb galin wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kaas oo uu shalay madaxwayne Xasan Sheekh ka furay magaalada Kismaayo.

Hoos ka dhageyso codka Hilowle Aadan: