U bood dhigaalka

Hindise Sharciyeedka Axsaabta Qaranka Oo Maray Akhrintiisii 2-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga arrimaha gudaha iyo maamulada gobollada iyo amniga ayaa waxay u soo bandhigeen xubaha baarlamaanka federaalka hindise sharciyeedka dhismaha xisbiyada siyaasadda.

Xisbiyada siyaasaddu waxay kaalin weyn ka qaadanayaan horumarinta demuqraadiyadda iyo hagaajinta habka matalaada shacabka, waana hay’ad loogu tala galay iney soo jeediyaan sabab iyo halbeeg lagu xallinaayo dhibaatooyinka, waxayna abuuraan madal lagu hageyo xukuumadaha si loo xaqiijiyo ujeedooyinka guud ee Qaranka loona helo matalaada shacabka, si kor loogu qaado demuqraadiyadda.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka Daahir Amiin Joosow oo xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka ayaa shegay:

“Sharcigani waa kii looga bixi lahaa nidaamka qabaliga ah ee maanta dalkeen harsaneya, haddii dhanac kasta ee dalkeena dadka ka imanaya ay isku xisbi yihiin ee ay ku tartamayaan horumarka dalka, sida; qaabka loo horumarin lahaa waxaa hubaal ah inaan maanta ka guuri lahayn qaabka qabaa’ilka”.

Waxa uu hadalkiisa ku daray; “Sharcigan waxyaabo badan ayaan ka fiirinay waa sharci muqadas u ah dalkeen iyo dadkeena dhinac kastana waan ka fiiriney, waxaan idinka codsanayaa sharcigu waa weyn yahay inaad si fiican u soo eegtaan, si aan aragtidiina ugu soo darno akhrinta Sadexaad”.

Muuqaalka Guud ee Hindise sharciyeedka Axsaabta ayaa ka kooban 38-qodob iyo 4 jadwal, waxayna guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee baarlamaanku ay soo raaciyeen lifaaq  qodobbo wax ka bedel lagu sameeyay; kadib markii la arkay iney kasoo horjeedaan qodobbo dastuuri ah.

Si kastaba; Sharciga waxaa horey u soo diyaariyay qalin horaad kiisii guddi hoosaad guddoonka baarlamaanku u saaray, waxaanuu sharcigani maray akhrintiisii Kowaad kadib waxaa loo gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha si ay ugu soo darsato afkaarteeda, waxaana lagala tashaday; bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada, waana sida laga hor sheegay baarlamaanka.

Goobjoog News