Hindise Sharciyeedka Gudiga Doorashooyinka oo Maray Akhrintii Labaad

xildhibaan Cabdi CaliKulan uu yeeshey baarlamaanka ayaa lagu soo bandhigey hindise sharciyeedka gudiga doorashooyinka madaxa banaan kaasi oo hadda maraya akhrintiisii labaad.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ah guddoomiyaha gudi hoosaadka baarlamaanka ee doorashooyinka oo gacanta ku hayay hindise sharciyeedka ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey heerarkii uu soo maray tan iyo markii hawshiisa la galay bishii lixaad ee sanadkan.

Xildhibaanka ayaa sheegey in khubaro caalami ah ay la tashiyo kala sameeyeen sharciga, isla markaasina gudbiyeen bishii june, iyada oo guddoonka uu dib sharciga ugu soo celiyey koowdii bishii Oktoobar, iyaguna ka guddi ahaan inta wax ka badaleen dib ugu celiyeen guddoonka isla bishaasi Oktoobar.

Sharcigani oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee leh hortabinta ayaa waxa uu quseeyaa hiigsiga 2016-ka, xiligaasi oo la doonayo in dalka looga abaabulo doorashooyin xor ah.

 

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

20 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW