U bood dhigaalka

Hindise Sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga Oo Maanta Mari Doona Akhrintiisa Labaad

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelan doona xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo Laba Ajende looga hadli doono kulankaasi.

Labada ajende ayaa kala ah ka doodista qaraar uu soo diyaariyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga oo ay soo diyaarisay wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in kulanka maanta ee baarlamaanka looga doodi doono ajendeyaashaasi.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Hidise sharciyeedka maxkamadda Dastuuriga faa’ido badan u leedahay dalka, marka maxkamadda la dhisana lagu dhageysan doono murannada aan waafaqsaneyn waxa ka baxsan Datuurka dalka u yaalla.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News