Hirshabeelle: 12 Qof Oo U Geeriyootay Cudurka Shuban Biyoodka

Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan gaar degmada Jalalaqsi ee gobalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay halkaasi ku geeriyoodeen 12 qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay gobalkaasi..

Mire Xuseen Siyaad oo ah ku simaha guddomiyaha arrimaha bulshada degmada Jalalaqsi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ay kor u dhaafayaan 60, waxa uuna inoo xaqiijiyay in dad gaaraya 12 qof ay u geeriyoodeen cudurkaasi kuwaas oo isgu jira caruur iyo dad da’ ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay dadkaasi gaarsiiyeen adeegyo kala duwan waxa uuna sheegay in ay dhinaca kale la kaashadeen hey’adaha gobolkaasi ka howlgala sidii dadkaasi xaaladooda caafimaad loola tacaali lahaaa.

Ugu dambeyn guddoomiye Mire Xuseen aya dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo hey’adaha bixiya deeqaha waxa uu ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadkaasi wax ugu qabtaan, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan dadka uu soo ridanayo cuddurkan.

Gobalka Hiiraan ayaa inta badan waxaa ka dilaaca cudurka shuban biyoodka waxaana loo sababeeyaa in ay tahay biyaha wasaqeysan ee wabiga oo dadka gobolkaasi ku dhaqan ay aad u isticmaalaan, waxaana jira tallaabooyin dadkaasi loo jeediyay oo ku aadan in ay cabaan biyo nadiif ah.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW