U bood dhigaalka

Hirshabeelle oo Ciidamo Geysay Xadka Gobolka Hiiraan Ee Itoobiya

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ciidamo geysay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya sababo la xariiro xanuunka Coronavirus, ciidamada la geeyey xadka ayaa isugu jiro Milatari iyo Boolis kuwaas oo loogu talo galay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya waxa soo gali iyo ka baxi.

Ciidamada oo laga qaaday xerada 27-aad ee taliska xoogga dalka ayaa waxaa hoggaaminayey goddomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, ujeedka guddoomiyaha ee tagitaankiisa xadka ayaa lagu  sheegay  fulinta amar maalinimadii shalay ka soo baxay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lagu sheegay in la xiro gabi’ahaan.

Ciidamada xadka gobolka Hiiraan ee dalka Itoobiya la geeyey ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo horay mas’uuliyiinta Hirshabeelle u sheegeen in xadka uu ka soo gudbo Qaadka iyadoo ay jirto cabsida laga muujinaayo caabuqa Corona ee Hirshabeelle oo dhowaan wasiiru dowlihii cadaaladda uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus .

Goobjoog News