U bood dhigaalka

Hirshabeelle Oo Daawo Gaarsiiyay Mahadaay

Sheeko:Caafimaadka

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay gaarsiiyeen deeq daawo ah.

Deeqdani dawada ah oo loogu talagalay dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka oo kordhay waxaana wafdigani xildhibaannada ah ay ka baxeen saaka magaalada Jowhar.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar ayaa u sheegay Goobjoog News in degaanka Buurfuule ee ghoostaga Mahadaay ay gaarsiiyeen daawo gaaraysa 30 kartoon oo isugu jirta kuwa lagu la tacaalo dadka qaba xannuunka shubanka.

โ€œDegaanka Buurfuule oo Mahadaay hoostaga ayaa gaarsiinay deeq daawo ah waxaan gaarsiinay 30 kartoon daawo ka kooban oo labo nuuc ah, halkaas waxaa ku badan dadka qaba cudurka shuban biyoodkaโ€ ayuu yiri Xildhibaanka.

Degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo degaanno hoostaga ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dillaacay cudurka shuban biyoodka oo saameyn ku yeeshay dad u badan haween, carruur iyo dad waayeell ah.

Maalin ka hor wafdi ka socda hayโ€™adda caafimaadka adduunka WHO ayaa deeq daawo ah gaarsiiyay isbitaalka dhexe ee magaalada Jowhar.

Goobjoog News