Hirshabeelle oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Weerarkii Ceel Baraf
Sheeko:Arrimaha Amniga

Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa markii ugu horaysay ka hadlay weeraarkii ka dhacay deeganka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku la haayeen deegaanka , waxaa weerarkaas ku nafwaayay askar ka tirsan ciidmada dowladda Burundidi.
Qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay ay xanuunka la qeybsaneyaan, ehelada askartii waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii dhacay, kaas oo dowladda Burundi laga soo xigtay in looga dilay 30 askari, halka lagu dhaawacay 22, sida uu sheegay sarkaal sare.
Al-shabaab ayaa baahiyay in dagaalkii ka dhacay Ceel Baraf ay ku dileen in ka badan 150 askari, waxaana ay sidoo kale sheegeen in saanad milatari ay ku qabsadeen, iyagoo dhanka kale ay baahiyeen in ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ay nolosha ku qabsadeen, , mana jiro war ku aadan arrintaan oo dowladda Burundi ay laga soo xigtay.
