U bood dhigaalka

Hirshabeelle Oo Shaacisay Habraaca Doorashada Laba Kursi

Sheeko:Amniga
Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada laba kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.
Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa ah HOP#70  iyo HOP#115, waxaana lagu wadaa in doorashadoodu ay dhacdo todobaadka soo socda.
Labadaan kursi ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay hirshabeelle xildhibaanada kala
HOP#70: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aadan Cali Xasan
HOP#115: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)