U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhaw ka dhacay magaalada.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu la socday midkamid ah xubnaha guddiga doorashooyinka FEIT oo ku sugnaa magaalada Jowhar.

Mahad Cumar Cabdi oo kamid ah xubnaha guddiga doorashooyinka FEIT ee doorashooyinka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxa oo gaarigiisa lala beegsaday.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lala aaso waxaana uu haleelay gaariga xubintaan ka tirsan FEIT, xilli uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo uu ka safri rabay.

Inta la xaqiijiyay inkabadan 5 qof oo ay ku jiraan askar la socotay Mahad ayaa ku dhintay qaraxa iyo dad shacab ah oo marayay wadada hareeraheeda.

Dad kale oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay iyana in xaaladdooda caafimaad loo qaaday isbitaalka Jowhar oo lagu dabiibayo.

Goobjoog News