U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Sababta Uu Isku Casilay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda

Sheeko:Dalka

Sida uu goordhow soo sheegay weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn waxaa is-casilay guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin Garbooy kadib markii uu saluugay jagadaasi.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in 3 todobaad ka hor uu isku shaandheyn maamulka ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle maxamed Waare isaga oo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy ka badalay Amniga iyo Siyaasadda una wareejiyay Maamulka iyo Maaliyadda.

Beesha Xuseen Cismaan Muumin Garbooy ayaa la sheegayaa in aaney ku qanacsaneen jagada maamulka iyo maaliyadda oo ay doonayaan amniga iyo siyaasadda.

Goobjoog News