Hirshabeelle: Taariikhda Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble Iyo Barnaamijkiisa
Cali Cabduulahi Cosoble ayaa goordhaw loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cosoble ayaa madax ka noqonaya maamulka federaalka ah kan ugu da’da yar, uga dambeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya laga dhisayo.
Cali Cosoble, waxaa uu ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dugsi hoose/dhexe ilaa sare waxaa uu ku dhameystay isla magaalada Muqdisho.
Waxbarashadiisa heer Jaamacadeed waxaa uu ku qaatay dalka Mareykanka isagoo ku taqasusay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha, Cosoble waxaa uu ka bartay Jaamacadda Sam Houston State University.
Shaqooyinka:
Waxaa uu muddo ka shaqeeyay Bangiga hor-u-marinta ee Soomaaliya, ilaa ay ka dhacdo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Oxfam: burburkii kadib waxaa uu ka shaqo bilaabay hey’adda Oxfam qeybteeda magaalada Baladweyn isagoo markii dambe wakiil uga noqday hey’adda guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiisna ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
2004-2012: Cali Cabduulahi Cosoble, waxaa uu siyaasyadda ku soo biiray 2004-tii, waxaa uu Xildhibaan ka noqday dowladihii KMG ahaa 2004-2012.
January 7, 2005: Xukuumadii Cali Maxamed Geedi ee xilligii dowladda Cabdillahi Yusuf waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada.
October 17, 2016: Waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa Ballan-qaaday Cali Cabdulahi Cosoble:
Waxaa uu Cosoble dowladdiisa hal-ku dhex uga dhigay Nabad, Nolo iyo Cadaalad
Dhismo dowlad heer deegaan ah.
Siyaasad leh, waajibaad cad cad.
Umad mid ah oo leh ujeeddo mid ah, oo aaminsan wada jir-ka, wada noolaashaha iyo is xaq dhowr-ka.
Soo saarista umad Islaam ah oo is jecel isla markaana jecel wanaagga iyo nabadda kana reeban xumaha.
Barnaamijka Dowladda Cali Cosoble:
Suggida amniga iyo nabad galyada: dib u soo celinta iyo dhismaha awoodda ciidanka, diyaarinta ciidamo tayo leh oo AMISOM kala wareegga amniga gobolka.
Dhismaha Maamulka iyo hirgelinta federaalka: dhismaha maamul dowlad goboleed oo federal ah oo casri ah oo gaarsiisan ilaa heer tuulo, isla markaana ay u dhameystiran yihiin xafiisyada lagama maarmaan-ka u ah ee u adeeggida bulshada iyo deegaanka.
Dib u habeynta gobollada iyo degmooyinka gobolka: si wax looga qabto, loona xalliyo cabashada dadk, waxaa uu ballan-qaaday sameynta maamullo iyo degmooyin cusub.
Saldhigga dowladda: Qur’aanka, Sunnada, Shuruuc iyo kala dambeyn.
Hirgelinta Cadaaladda iyo Sare u Qaadista Nolosha: in Cadaalada laga sameeyo shaqo qorsita, Xil magacaabidda, dalacsiinta shaqaalaha iyo ciidamada, ilaalinta hantida umadda, qan-daraas bixinta, ciqaabidadda dambiilaha, hor-u-marinta degmooyinka iyo tuulooyinka, sare u qaadista heerka guud ee nolosha shacabka, hoe-u-marinta iyo wax u qabashada dadka reer miyiga ah, taakuleynta dadka cuuryaamiinta ah, saboolka iyo agoomaha, ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Waxaa kaloo uu sheegay in uu horgelin doono nidaam garsoor oo waafaqsan shareecada Islaamka, si dadka u helaan cadaalada ay ku qanacsan yihiin oo ah garsoorka Islaamka.
Dhismo gole culimaa’udiin uu gobolka yeelan doono, waxaa la sameyn doonaa wacyi gelin iyo dhaqan celinta dadka deegaankaas ku nool.
Isu dubaridka iyo Kobcinta Dhaqaalaha: hirgelinta nidaam dhaqaale oo bila nidaamka dowladeed oo lagu heshiiyay, shareecada Islaamka ayaa xagi doonto nidaamka dhaqaale ee dowladda, si loo gaaro hor-u-mar dhaqaale oo ku dhisan cadaaladda ilaahey, isla markaana dhaqaalaha loo maamulo sida diinta Islaamka ay qabto, ilaahna uu raalli ka yahay.
Dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka Bulshada: waa ballan-qaad kale uu sameeyay,
Hor-u-marinta Haweenka: arrintaas oo ka timid in ay yihiin kala u bar bulshada iyo in ay kaalin ku leeyihiin hor-u-mar walba.
Hor-u-marinta Waxbarashada: waddan aan waxbarasho laheyn ma hormaro, waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban doono waxbarashada.
Sare u qaadista Caafimaadka: qof walba oo gobolka ku nool sidii u heli lahaa caafimaad in laga shaqeeyo.
Sportiga iyo Dhalinyarada: si taasi u hormariso is dhexgalka bulshada
W/Q: Abdi Abdi Aziz Gurbiye,