U bood dhigaalka

Hirshabelle: Baarlamaanka oo Muddada Xilheynta Hey’adaha Federaalka ah ka Dhigay 5 sano

Sheeko:Amniga
Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah laga dhigo 5 sano halkii ay ka aheyd 4 sano.
Arrintan ayaa dhacday kadib kalfadhiga 1aad Kulankiisa 10 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle uu ku kulmay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar.
Kulanka oo uu shir Gudoominayey gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kahadlaaya Mudo Baarlamanka iyo Madaxtooyada.
Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Qodobada Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Kahadlaaya Awoodaha Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle, sidoo kale gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada Faahfaahin kasiiyey qodobada Dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo
Intaas kadib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.
Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta, waxaa codeysay 70 xildhibaan, ogolaatay 66 xildhibaan, axaa diiday 3, waxaa ka aamusay 1
Goobjoog News