U bood dhigaalka

Hirshabelle Kadib, Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo Shahaadooyinka Qaatay, Kana Biyo-diiday Amarka Laftagareen

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada Koonfur galbeed ayaa saaka bilaabay iney qaataan shahaadada guddiga doorashada ee FEIT, iyaga oo ka biyo-diiday amar uu horay usoo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen kaas oo loogu sheegay iney toos shahaadada xildhibaannimo uga doontaan xogheyeyaasha guud ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanno ay ka mid yihiin Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa qaatay shahaadada guddiga iyaga oo shir jaraa’id oo ay qabteen talaabadaasi kadib, ku booriyey xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed iney qaataan shahaadooyinka, ayna ka shaqeyn dib u dhaca doorashada.

Qoraal Jimcihii lagu daabacay madaxtooyada Koonfur Galbeed,  ayaa lagu sheegay in galka xildhibaannada ay toos ugu wareejinayaan xogheyeyaasha labada aqal, iyaga oo sheegay “ Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka. Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS”.

Sabtidii ayey aheyd markii sidoo kale xildhibaannada Hirshabelle oo iyaguna la dul dhigay amar noocaasi oo kale ay ka talaabsadeen, isla markaana ay qaateen shahaadada guddiga doorashada ee FEIT iyaga oo waxba kasoo qaadin hadalka SEIT Hirshabelle.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in amarkaasi aanu ka iman madaxtooyada Hirshabelle ee ay ahyeyd Maamulka Farmaajo oo qas iyo jahowareer ka dhex waday bogagga rasmiga ah baraha bulshada Internet-ka ay ku leeyihiin qaar ka tirsan maamul goboleedyada iyo guddiga doorashada dadban.

Koox ka tirsan maamulka Farmaajo oo ku lug leh SEIT Hirshabelle ayaa bogga rasmiga ah ee Hirshabelle State ku daabacday in ay kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086, madaxii hore ee Jawaasiista, oo FIET diiday in ay shahaado siiso toos ula aadi doonaan golaha shacabka, arrintaas oo la sameeyey iyada oo aaney la socon madaxtooyada Hirshabelle.

Qoraalka bogga Faceboogga la dhigay ayaa u qornaa “Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka. Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka””.

Maamulka Farmaajo oo waqti kororsi ku jira ayaa in muddo ah qas iyo isku dir ka dhex waday baraha bulshada ee FEIT, SEIT iyo xataa guddiga khilaafaadka, iyaga oo daabici jiray warar beenabuur iyo iska hor keenis ah, taasi oo markii dambe laga fara maroojiyey, laguna wareejiyey guddiyada iska leh, waxaase muuqato in weli ay ku lug leeyihiin baraha bulshada ee maamul goboleedyada qaar sida Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Goobjoog News