U bood dhigaalka

Hirshabelle: Maamulka Iyo AMISOM Oo Ka Wada Hadlay Amniga

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM qeybtooda ku sugan gobolka Sh/dhexe.

Kulanka madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM ayaa waxaa looga hadlayey sidii AMISOM ay uga qeyb qaadan laheyd dib u xureynta goobaha ka maqan gacanta maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa kulamo ceynkan oo kale ah waxa uu horay ula qaatay madax iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, kuwaas oo inta badan diiradda lagu saarayey sidii gacanta maamulka loo soo gelin lahaa deegaannada ka tirsan Hirshabelle oo ay maamulaan Al-shabaab.

Waare ayaa tilmaamay dhankiisa in uu ku dadaalayo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabelle.

Goobjoog News