Hirshabelle: Nin Diley Haweeney Oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidanka daraawiishta ee maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu diley Haweeney, iskuna dayey inuu baxsado.

Mukhtaar Cabdulle oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Hirshabelle ayaa u sheegay Goobjoog in ninkaasi ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana hadda baaritaan lagu hayo.

Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka in dadka deegaanka dilka uu ka dhacay ay gacan weyn ka geysteen sidii loo sooqaban lahaa ninkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Tuulada Gaal-leef oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

18 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW