U bood dhigaalka

Hirshabelle oo Bilaabeysa Doorashada Aqalka Sare, Akhriso

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya iney dhageystaan musharaxiin u tartami doonta ilaa siddeed kursi oo ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah.

Murshaxariinta oo gaaraya ilaa 27 ayaa la sheegayaa in horay u ahaayeen 33, iyada oo lix buuxin waayeen shuruudaha halna uu ka haray, kaas oo ah Muxyudiin Afrax.

Lama oga in maanta ay khudbadaha soo dhammaan doonaan iyo in kale, tiro badnida tartamayaasha aqalka sare ayaa ka timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu sameeyey cadaalad ah in qof walba tartami karo.

Goobjoog News