U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Dalbaday In Cadaaladda La Horkeeno Askari Diley Qof Shacab Ah

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee Hirshabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in cadaaladda la mariyo askari shalay magaalada B/weyne ku diley nin shacab ah.

Waxa uu sheegay in maxkamadda gobolka Hiiraan iyo laamaha ammaanka ee gobolkaasi looga fadhiyo iney cadaaladda horkeenaan askarigaasi.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in askarta ay dad shacab ah iska dilaan, waliba falkii shalay uu askarigan Booliiska ah ku toogtay darawal kaxeynayey Mooto Bajaaj.

“Waan ka xunnahay waxan dhacay, askarigan waa in cadaaladda la horkeenaa, ma ahan in askarta ay shacabka kusoo jeestaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Shalay ayaa askari Booliis ah waxa uu darawal Mooto Bajaaj ku diley gudaha magaalada B/weyne, waxaana ka dhashay dibadbax xooggan oo ay dhigayaan shacab ka carreysan arrintaasi.

Goobjoog News