U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Ku Baaqay Deminta Colaadda Deegaanka Banyaaley, Hiiraan

Sheeko:Amniga

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Hirshabelle iney kaalin mug leh ka qaataan deminta colaadda u dhaxeysa beello wada deggan deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan indhaha laga daawan karin colaadahan soo noqnoqday, ayna wanaagsan tahay in cid walbo oo ay quseyso kaalinteeda qaadato.

Si gaar ah wuxuu xildhibaanka farta ugu fiiqay maamulka Hirshabelle, waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Hiiraan, oo uu tilmaamay in kaalintooda muhiim tahay.

“Waan ka xunnahay dagaalladan soo noqnoday, waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo, cid walbo waajib ayaa ka saaran shacab, mas’uuliyiin iyo ganacsato” ayuu yiri xildhibaanka.

Deegaanka Banyaaley ee Hiiraan waxaa kasoo cusboonaaday dagaallo u dhaxeeya beello wada deggan halkaasi.

Goobjoog News