U bood dhigaalka

Hirshabelle: Xildhibaan Ku Baaqay In La Dhammeeyo Xiisad Ka Dhex Cusboonaatay Beello Wada Deggan Hiiraan

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Faarax Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ee maamul goboleedka Hirshabelle ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dhammeeyo xiisad ka dhex dhalatay beello wada deggan gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in maamulka gobolka Hiiraan uu soo farageliyey xiisaddan, muhiimna ay tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo.

Xiisaddan ayaa ka bilaabatay Geel la kala dhacay, iyadoo maamulka Hiiraan soo xireen waxgaradka beesha ay kasoo jeedaan ragga Geella dhacay, halka dadkii Geella laga dhacay ay iyaguna dad qafaasheen.

Ugu dambeyn, xildhibaan Faarax ayaa sheegay in haddii maamulka Gobolka Hiiraan aanu si dhab ah u xallin arrintaan in ay la xisaabtami doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News