U bood dhigaalka

Hishiis Laga Gaaray Dagaal Beeleed Dhowaan Ka Dhacay Gobolka Mudug.

Sheeko:Amniga

Masuuliyinta Maamulada Galmudug ,Puntland ,Waxgaradka Degaanka Iyo Talista Qaybta 21aad Ee Ciidanka Xooga ayaa kawada Qayb-qaatay  Heshiisiinta Beela wada-dega Gobolka Mudug.

Heshiiskaan ayaa  horudhac u ah  dagaal muddooyinkaan dambe u dhaxeeyay beelo walaaalo ah oo wada-dego deegaan ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulada Galmudug iyo Puthland waxaana ugu dambeyn laga gaaray hishiis nabadeed.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-Aad ayaa qeyb-ka ahaa dadaalada nabadeynta ee lagu hishiisiinayay dadka walaaala ah ee dirirtu ay dhaxmartay iyagoo halkaasi geeyay ciidan illaaliya nabadda .

“ Labada dhinac waxaan ka codsanayaa inay nala qaataan illaalinta maalka ,Nafta iyo nabad-gelyada dadweynaha maxaa yeelay har iyo habeen waxaan u taaganahay inaan dadkeyna iyo dalkeyna aan u sheqeyno sidoo kale waxaan rabnaan inaysan soo laaban dhacdooyinkaan foosha xun ee ummaadeyna dhibaatooyinka ay kasoo gareen” sidaas waxaa yiri Cabdicasiis  Cabdullahi Cabdi (Qooje) Taliyaha qeybta 21-Aad.

Ciidamada Xoogga dalka , Maamulada Puthland iyo Galmudug ayaa hore ugu guuleystay  inay hishiisyo ay  dhagax dhigaan dad walaalo ah oo wada-dego deegaano ka tirsan gobolka Galmudug ee Galmudug iyo Puthland kuwaa oo muddoyinkaa dagaalo ay ku dhaxmareen Gobolada dhexe ee dalka.

Goobjooj News