Hodantinimada Dhulka Hooyo

Dhulkeena Hooyo iyo hodantinimadiisu waxay u muuqataa mid aan laga faa’iideysan marka loo eego sida dhallinyaradeenu ay u dhibaatoonayaan oo dalka looga cararayo.

Hagaagsamida hodantinimo dhulka hooyo abwaaniin fara badan ayaa horay sugaan ugu cabiray waxaana hubaal ah in dalkeenu hodan yahay balse aysan muuqan cid ka faa’iideysata.

Qeyb waxaa ka ah dalkeena waxyaabaha uu hodanka ku yahay beerashada dhulka iyo ku dhaqashada  xoolaha oo dhulka Soomaalida lagu sheego meel aad u udgoon badan iyo halka uu qaaradan Africa kaga yaallo oo ah meel aad u wanaagsan.

Horumarin dhuleed,in laga faa’iideysto dalka iyo wax yaabaha uu hodanka ku yahay intaba  waxaa masuuliyaddiisa dusha u ritay dowladda waa marka laga eego awoodda wadanka ay ku dhex leedahay.

Baaxad ahaan dalkeena waxaa la sheegaa in  dhul ahaan uu ka weyn yahay   waddamada       France, Kenya, iyo Yemen waxaadna halkaas  aad ka dheehan kartaa in kheyraadka dalka ku jiraahi uu baaxadiisana wato.

Wadankeena Soomaaliya waxaa lagu Tiriyaa inuu yahay waddanka 42 ee dunida  ugu weyn markii laga reebo dhulka Itoobiya iyo Kenya ay ka taliyaan.

Ugu horeyn bal aan wada dhageysano dhulkeena Hooyo magacyada uu leeyahay meelaha ku wanaagsan beerashada iyo ku dhaqashada xoolaha.

‘’Dabeecada dhulka halkaan waxaan idinkaga soo gudbinaynaa ilaa iyo todoba dabeecadood oo kala ah:-Waxaa jira dhul la yiraahdo Sool waa dhul oomane ah waxaa ku dhaqma Meesiyada,waxaa jira dhul la yiraahdo cadiid waa dhul banaan  ah,dhagax dhul la yiraahdo ayaa jira waxa uuna dhulkaas uu u baxaa si buuraley ah,waxaa jira dhul la yiraahdo dooxaar dhulkaasna waxaa ku dhaqmi kara duunyada,waxaa isaguna jira docaale waxaana ku dhaqmi kara dad iyo duunyaba,waxaa jira dhul la yiraahdo buur waxaana  goobahaas ka mida buuraha gobolka sanaag,waxaa jira dhul la yiraahdo aloon,Waxaa jira Dhul la yiraahdo caymooy ,waxaa jira dhul la yiraahdo gowraan waxaana ku dhaqma geela iyo Arigaba’’ guud ahaan dhulkaas iyo kheyraadkiisaba dadkeenu waa kaas ay qaxa kawada  yihiin.

Hadaba wasaaradaha iminka shaqeeya ee farta ku fiiqa kheyraadka dalka waxaa ka mida Wasaaradda batroolka Iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya taa oo dadaal ku bixisay baaritaanka shidaalka habboon ee la rabo in looga faa’iideeyo dadka iyo dalka.

Faarax Cabdi Xasan  waa masuul ka tirsan wasaaradda batroolka Soomaaliya waxa uu sharaxayaa wasaaradda batroolka,kheyraadka ay sahmisay iyo haddii laga faa’iideystay.

‘’wasaaradda waxaa lagu aas-aasay shaqaale 18-ruux ah waxaadna aad dareemi kartaa wasaarad dhan oo quburo la’aan shaqeysa ineysan sii tag roonaaneyn,marka dhamaan shaqaalaha wasaaraddu waxa ay dadaal ugu jiraan tan iyo markii ay shaqada bilaabeen sidii shidaalka dhulka hooyo uu leeyahay dadka waddanka iyo dibaddiisaba jooga loogu faa’iideyn lahaa waa dadaal aanan la hakin doonin ila laga mira keeno’’Ayuu yiri Faarax Cabdi Xasan  oo ah  masuul ka tirsan wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Marka laga tago dhallinyarada dalka ka tagaysa ee u arka in dalkani uusan wax soo saar la hayn haddana waxaa jira dhallinyaro dalka wax ku baratay qanacsanaasho nafeedna qaba.

Kheyraadka dalka in laga faa’iideysto waxaa marin u ah in la helo goobo waxbarasho oo manhajkoodu hufan yahay  walow dadaalo badan ay jiraan.

Kuliyadaha jaamacadaha dalka laga barto ee habboon in la muuqaal tusaaleeyo waxaa ka mida kuliyadda beeraha oo in badan la xiriirta kheyraadka dalkeena.

Aamina Cabdullaahi Cismaan waxa ay ka mid tahay gabdho ka kala tirsan jaamacado gaaraya illaa iyo Sagaal jaamacadood oo Muqdisho ku yaalla.

Waxa ay Aamina iyo ururka ay ka tirsan tahay ay sameysteen beer  ay ka hirgeliyeen qiyaastii Afgooye meel u jirta 10Km Si waxbarashadooda ay gacan qabad ugu bedelaan oo dadka aan waxbaranna ay u tusiyaan habka dalka kheyraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

“waxaan beer yar oo mac mal ah aan ka hirgelinay qiyaastii Afgooye meel u jirta 10Km  waxaana nagu deeqay qoys beeraley ah oo deegaankaas degen ujeedadeenu waxa ay ahayd sidii aan dadka wax bartay iyo dadka kale ee howsha beerashada gacanta kula jiraahi ay isku kaashan la haayeen waxaana  had iyo jeerba aan ku dadaalnaa sidii dalkan kheyraadkiisa aan dadka u bari lahayn in laga faa’iideysto, xaqiiqa ahaan walaal dalkan gebi ahaantiisaba waa wada kheyraad  dadkeenuna waa kuwaas qaxootiga ka wada ah’’Sidaas waxaa Goobjoog News u  sheegtay Aamina Cabdullaahi Cismaan oo ka tirsan ururka gabdhaha ee beeralayda Soomaaliyeed.

Waxaa hubaal ah in beerasho maanta aad sameyso ay raasumaal berri kuu noqonayso xilliga aad howshaas ka qabatay ka dib,Soomaaliduna waxa ay ku mah-maahdaa geedkaad labaatan jir aadku waabato ayaad Lixdan jir harsataa.

W/Q: Cali Aadan Muumin

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News

 

 

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW