U bood dhigaalka

Hogaamiyaasha Maamulada Koonfur Galbeed Iyo Jubba Oo Kulan Arimo Badan Looga Hadlay Ku Yeeshay Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoMagaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa habeenkii xalay ahaa ku kulmay Madaxweynayaasha maamulada KMG ee Koonfur Galbeed iyo Jubba, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe kaasi oo arimo badan looga hadlay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Shalay Kismaayo ayaa xalay magaaladaasi ku hoyday, waxaana kulamada xalay dhacay diiradda lagu saaray arimaha ku aadan amaanka iyo sidoo kale deris wanaaga Labada Maamul.

Xasan Xareed oo ka mid ah maamulka magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in kulamadaan ay kusoo gaba gaboobeen xalay jawi wanaagsan, sidoo kalena maanta ay jiraan kulamo kale.

“Deris wanaaga iyo sidoo kale sida shacabka Labada dhinac loo qadarin lahaa ayaa laga wada hadlay, Shariifna waa nin saaxiib gaar ah la ah maamulka Jubba, isaga ayaana si kalgaceel badan nagu soo booqday, anagana looma kala harin si wanaagsan ayaan usoo dhaweynay” Xasan Xareed ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose weli waxaa maanta ka soconaya kulamada ay leeyihiin wafdigaan ka socda maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maamulka Jubba.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News