U bood dhigaalka

Hogaamiyaha Maamulka KMG Ee Jubba Oo Sheegay In Sanadkaan Kusoo afjari doonaan Dagaalada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa ay soo afjari doonaan guud ahaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxa uu sheegay in ciidamada maamulka KMG ee Jubba ay xilligaan yihiin kuwo diyaarsan, ayna la howlgali doonaan ciidamada AMISOM, sida ugu dhaqsiyaha badanna dagaal ay ku bilaabayaan.

Bishan January ayuu sheegay inta aysan dhamaan in la bilaabi doono howlgalo uu ku sheegay in lagu xureyn doono gobalada Jubooyinka iyo Gedo, gaar ahaan meelaha ay ciidamada Al-shabaab joogaan.

“Waxay ila tahay ciidamada in hadda ay howlgalaan oo diyaar garow yihiin, howlgalka hadda la qaadayo Soomaalida kaliya ma ahan ee waa mid caalamka kaalin ay ka qaadanayaan, qorshaha ayaa ah in bishaan January inta aysan dhamaan in howlgalka la qaado” ayuu yiri Axmed Madoobe

Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaano ka mid ah gobalada Jubuuyinka iyo Gedo, waxaana jira in horay dagaalo ay kala horyimaadeen ciidamada Jubba iyo kuwa AMSIOM.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News