U bood dhigaalka

Hogaamiyaha Ugu Waqtiga Dheer Afrika Oo Doonaya Muddo Kale

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha Equatorial Guinea Mr.Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa la sheegayaa in uu ku guuleysan doono natiijada doorashada dalkaasi ee Axaddii iyo in uu sii ahaan doono Madaxweyne 7 sano ee soo socota.
Teodoro Obiang oo horay dalkaasi Madaxweyne ugu soo ahaa muddo 36 sano ah ayaa la sheegayaa in uu heysto taageerada 99% dadka, taas oo niyad jab ku ah 6-da murashax ee tartanka kula jira.

Equatorial Guinea waa dalka 3-aad ee ugu saliid saaris badan qaaradda Afrika, waxaa dadkeeda lagu qiyaashaa ilaa 1.5 Milyan, ninkan waxaa lagu eedeeyaa in uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha ugu musuqa badan caalamka.

Mr.Teodoro Obiang Nguema oo hadda 73 jir waxaa uu dalkaas Madaxweyne ka ahaa ilaa 1979-kii, isagoo xiligaas afgambi ku riday adeerkiis oo dalkaas Madaxweyne ka ahaa 1968-1979-kii.

Goobjoog News