U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau oo Geeriyooday, Ilo Mucaaradka ah

Sheeko:Amniga

Hoggaamiyaha kooxda Islaamiyiinta ah ee  Boko Haram ee dalka Nigeria Abubakar Shekau ayaa la sheegayaa inuu geeriyooday.

Codad la helay ayaa sheegaya in uu is dilay hoggaamiyihii kooxda Boko Haram Abubakar Shekau, waxaase khilaaf ka jiraa goorta ay arrinkaas dhacday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku dhintay dagaal ka dhacay lama dagaanka Sambisa, ee waqooyi beri dalka Nigeria.

Ninkan oo kooxda hoggaaminayey tan 2009-kii, waxaa uu maamul islaami ah ka dhisay gudaha Nigeria isaga oo fuliyey xasuuq badan tan 2014-kii.

“Waxaa ku raaxeystaa dilka, si la mid ah gawraca digaagga” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa 2012-kii, waxaa ayna dadka la barbar dhigi jireen Osma Bin Ladin.

Xogo la helay waxaa ay sheegayaan in tan iyo markii uu maamulka kooxda la wareegay, uu dilay  30,000 halka uu Baraka kiciyey in ka badan hal milyan.

Goobjoog News