U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Tigray-ga oo Xaqiijiyey Inay Weerareen Asmara

Sheeko:Amniga

Hogaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa Axadda maanta ah xaqiijiyay in ciidamadiisu ay gantaalo ku garaaceen caasimada Eritrea ee Asmara, wuxuuna ku hanjabay weeraro dheeri ah, isaga oo yiri “waxaan qaadi doonaa bartilmaameed kasta oo militari oo sharci ah, waanna duqeyn doonnaa.”

Madaxweynaha gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaan sheegin inta gantaal ee Sabtidii lagu duqeeyey Asmara, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay magaalada kaliya ee Eritrea ee ay beegsadeen.

Hadalkiisa ayaa xaqiijinaya in uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya labadan dal ee deriska ah ee Africa maadaama dagaalkii gobolka Tigray uu ka tallaabayo xuduudda.

Saddex gantaal ayaa Sabtidii lagu tuuray Asmara, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, saacado kaddib markii uu maamulka gobolka Tigray uu ka digay weerar ka dhan ah Eritra.

Madaxa Ismaamulka Tigray, Debretsion Gebremichael, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay xadka Itoobiya u dirtay ciidamo si ay u taageerto Ra’isulwasaare Abiy Ahmed, hase yeeshee eedeyntaasi waxaa beenisay Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheyn colaadda Ethiopia.

Lama oga khasaraha ka dhasay saddexda gantaal ee lagu weeraray caasimadda Eritrea ee Asmara. Goor hore oo Sabtidi shalay aheydna, xoogaga TPLF ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen laba eraboor oo ku yaalla gobolka Amxaarada ee Ethiopia.

Ilaa iyo hadda ma cadda tirada ku dhimatay dagaallada ka socda Ethiopia, balse QM ayaa sheegtay in dad ka badan 14 kun oo ka cararay dagaalka ka socda gobolka Tigray ay ka tallaabeen xadka Itoobiya la wadaagto Sudan.

Goobjoog News