U bood dhigaalka

Hoggaamiye Rouhani: Iraan Waxaa ay Wajahaysaa Sanadkeedii Ugu Adkaa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dalkiisu uu wajahayo sanadkiisii ugu adkaa sababtoo ah cunnaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Xaaladda adag ee uu keenay cudurka Coronavirus ayaa sii xumaysay dhibaatadii dhaqaale ee dalkaasi, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii sanadkii 2018-kii ay quwadaha dunidu la galeen Iran, uuna dib ugu soo rogay cunnaqabateyntii saarneyd Iran.

Isniintii la soo dhaafay ayaa lacagta Iran waxa ay gaartay heerkeedii ugu hooseeyay abid marka loo eego doollarka Mareykanka.

“Waxa uu ahaa sanadkii ugu adkaa, sababtoo ah cadaadiska dhaqaale ee cadawga iyo cudurkan safmarka ah,” ayuu Rouhani ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinnada.

“Cadaadiska dhaqaale ee bilowday 2018-kii ayaa kordhay … maantana waa cadaadiska ugu adag ee saaran wadankeenna qaaliga ah,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Iran ayaa la kulantay laba kacleynta kiisaska cudurka COVID-19 iyo dadka u geeriyoodaba tan iyo markii ay xukuumaddu bartamihii bishii April khafiifisay xannibaadihii loo soo rogay xakameynta faafitaanka coronavirus.

Tirada maalinlaha ah ee dadka u dhimanaya COVID-19 ayaa dhowaan kor u dhaaftay 100 qof, taasi oo ahayd markii ugu horeysay ee labo bilood gudahood ah ee tirada dhimashada maalinluhu ay heerkaasi gaarto.

Ilaa 2,489 oo ah xaalado cusub oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaangeliyey dalkaasi 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee kiisaska Iran ka dhigeysa 222,669, sida ay telefeshinka dowladda u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka, Sima Sadat Lari. Waxay sheegtay in 144 qof ay dhinteen, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 10,508.

Goobjoog News