U bood dhigaalka

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Wada Dadaallo Lagu Joojinaayo Xiisadda Itoobiya

Sheeko:Amniga

Madaxda  qaaradda Afrika ayaa waxaa ay isku dayayaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Tigree dalka Itoobiya iyo sidii dowladda loogu qancin lahaa in ay wadahadal ku badesho dagaalka.

Madaxweynaha wadanka Uganda  Yoweri Museveni ayaa siyaabo kala duwan ula kulamay madaxweynihii hore ee Naigeria Olusegun Obasanjo iyo  wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen.

Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa dhankiisa ku biiriyey baaqa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda gobolka Tigree, kaas oo sababay barakac badan oo reer Itoobiyaha oo ka baxay dagaalka gobolkaasi.

Dowladda Itoobiya oo uu hoggaamiye Ra’iisalwasaare Abay Axmed ayaa waxaa ay ku adkaysanaysaa in howlgalladu ay sii socon doonaan, waxaana wararku sheegayaan in Abay Axmed uu ku gacan seeray baaqa hoggaamiyayaasha.

Dagaalka ka socda gobolka Tigree ee u dhaxeeyo dowladda dhexe  iyo maamulka gobolka ee TPLF, ayaa weli sii soconaya waxaana ilaa iyo hadda gobolka ka qaxay dadka badan 80 000 oo qoxooti ah oo gaaray Sudan iyo Jabuuti.

Goobjoog News