U bood dhigaalka

Hoggaamiyihii Ikhwaanka Casaam Al-caryaan oo Xabsiga Ku Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow xabsiga Dhura ee dalka Masar ku geeriyoodey hoggaamiyaha ikhwaanka Muslimiinka Casaam Al-caryaan.

Al-caryaan oo ka tirsan hoggaanka ugu sareeya xarakada caalamiga ah ee Ikhwaanka ayaa la sheegayaa inuu wadnaha istaagay.

Horay waxaa isla xabsigaas dartii u geeriyoodey madaxweynihii la afgambiyey Maxamed Musri oo isna wadnaha istaagay isaga oo maxkamad la taagayo.

Waxaa xabsiga ku xanuunsanaya hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xarakada Ikhwaanka, kuwaas oo qolada afgambiga ee SISI ay si xun ula dhaqmaan.

Goobjoog News