U bood dhigaalka

Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Galbeedka Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Saami Qeybisga Golaha Wakiilada

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha dhaqanka beelaha dega Galbeedka Somaliland Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa sheegay iney arrin cadaalad darro ah ku tahay in doorashada lagu galo baarlamaanka sanadka 2017 ka, xeerkii lagu galay doorashadii tan ka horreysay ee 2005, taas oo ahayd in beelaha dega galbeedka Somaliland ay baarlamaanka ka heleen 12 xildhibaan oo kaliya.

Suldaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ka codsanayaan in xeerkaasi wax laga bedalo:

“Qeybta saami qeybsiga golayaasha qaranka ee Somaliland oo muddo badan la sugayay wakhti badanna qaadatay, in wadadaasi waddo khalad ah inay ahayd, wax khalad ah ma socdo halkeedii ayay ku soo noqotay; waxaase saa’id noqotay  oo mid aan fahmi weynay noqotay, waxaa meesha ku jirtay in 1960kii marjaca loo noqonayaa halkaa yahay, haddii 1960kii loo noqonayo in Soomaaliya iyo Somaliland ay kala go’do maaha, Somaliland waxay u go’day waxay ahayd; dulmi iyo saamiga oo ay  ka cabaneysay wixii ka dhacay bay ahayd”.

“Dadka wax tabanaya ee aan wakiilka u nahay waxay wax ka doonayaan waa madaxweynaha ummaddu ay dooratay xilkana ay u dhiibatay inuu go’aan cad ka gaadho, waxaan u fadhinaa inteyna doorashadaasi dhicin 2017 arrintaa iyada ah in jawaab cad laga bixiyo, dadkan cabanaya wixii ay xaqa u lahaayeen la siiyo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoggaamiyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa iyaguna shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in go’aanka ay xisbiyadu ka qaadanayaan qaabka doorashada lagu galaayo, gaar ahaan kuraasta baarlamaanka ay go’aankeeda gacanta ka galiyeen Madaxweyne Siilaanyo, go’aanka uu arrintaa ka soo gaarana ay ku qanci doonaan.

Goobjoog News