U bood dhigaalka

Hoggaanka TPLF Oo Kulan La Qaatay Ergayga Midawga Afrika Ee Gobalka, AU Oo Shir Ka Leh Xaaladda Itoobiya

Sheeko:Caalamka

Hoggaamiyaha kooxda TPLF ayaa magaalada Mek’ele ee caasimadda gobalka Tigrayga kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabilsan arrimaha geeska Afrika ahna madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

Debretsion Gebremichael iyo Olusegun Obasanjo, ayaa ka wadahadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka sanadka socda ee ka taagan.

Obasanjo ayaa ku guuldareystay in hoggaamiyaha TPLF Gebremichael, uu ku qanciyo in miiska wadahadalka lagu dhamaayo xalka dagaalka.

Dhanka kale Labada mas’uul ayaa intii uu kulanka socday waxa ay qadka taleefanka kula hadleen Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Iskuduwaha Gargaarka Degdegga ah, Martin Griffiths.

Ku xigeenka xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada ayaa booqday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya Axadii, isagoo ka codsaday in si weyn loo gaarsiiyo gargaarka dadka rayidka ah xilli ay sii kordhayaan isku dhacyada u dhaxeeya mucaaradka iyo ciidamada dowladda.

Intii uu ku guda jiray  booqashadii uu ku tagay caasimadda Tigreega ee Mekele, Martin Griffiths wuxuu la kulmay mas’uuliyiinta gobolka wuxuuna carabka ku adkeyay baahida loo qabo gargaar bini’aadannimo iyo ilaalinta dadka rayidka ah dhammaan goobaha ay ka taliyaan, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u sii cakirnaaneysay xilli ay isaga baxeen Diblomaanisyiintii iyo howlwadeenadii caalamiga ahaa.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa sidoo kale in xaaladda Itoobiya in ay kulan ka yeeshaan midawga Afrika, kaas oo lagu gorfeyn doono xaaladihii u dambeyay ee dalkaas.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in marka uu soo gabagaboobmo in war-murtiyeed ay ka soo saaraan dalalka ku mideysan Qaarad weeynta Afrika.

Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda sanad jirsaday kadib markii Abiy uu November sanadkii hore 2020 uu amray in awood militeri xukunka laga tuuro xisbiga TPLF ee ka ariminayay gobalka Tigrayga kaas oo qaaddacay muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho uu ku tilmamay uu qabanayay xisbiga Barwaaqo oo uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Mareykanka iyo dowladdaha Yurub ayaa ku guuldareystay in ay kala qaadan xabadda sanadka socota kadib markii labada dhinac ee dagaalka ku jira ay diideen in wax wadahadal ah uula furo midba midka kale.

Goobjoog News