U bood dhigaalka

Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta SJS Oo Lagu Xiray Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska ay goorshaw xarig u geeysteen Cabdalla Axmed Muumin oo ah xoghaya Ururka Suxufiyiinta SJS iyo Hanad Cali Guuleed oo ah Tafaftiraha Goobjoog Tv iyo Madaxa Tababarada Ururka SJS.

Ciidamada ayaa labada Mas’uul kala baxay Hotel Jaako oo saxifiyiinta Jowhar tababar lagu siinayay.

Taliska booliiska Jowhar ayaa xabsiga u taxaabay labada wariye xilli ay ku gudajireen bixinta tababar ku saabsan Saaxafadda.

Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Hanad Cali Guuleed iyo Cabdalla Axmed Muumin.

Shalay ayeey aheyd markii handadaad iyo xarig ciidamada Jowhar u geeysteen Cabdalla Axmed Muumin.

Goobjoog News