U bood dhigaalka

Hoobiyayaal Ku Soo Djacay Meel U Dhow Madaxtooyada

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada warta nabadda ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw hoobiyayaal ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada dalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa tira hoobiyayaal ah kuwaas oo ku soo dhacay xaafadaha hoostaga madaxtooyada Soomaaliya.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hoobiyayaasha ayaa ku kala dhacay mid ka mid ah Hotel ka agdhaw madaxtooyada halka mid kalena uu ku dhacay Iskuul.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaan.

Goobjoog News.