U bood dhigaalka

Hoobiyeyaal la isku weydaarsaday deegaanka Buulo Gaduud

Sheeko:Dalka

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka ku-meel gaarka Jubba oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab ay isku weydaarsadeen deegaanka Buulo Gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Waxaa la sheegay in ciidamada labada dhinac ay is dhaafsadeen madaafiicdan oo ku dhacday deegaanka iyo duleedkiisaba.

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashan.

Wariyaha Goobjoog FM uga soo warama gobolka Jubbada hoose oo xiriir la sameeyay dad ku sugan  deegaanka ayaa sheegay in xaalada deegaanka ay hada tahay mid degan.

Bilowgii todobaadkan ayay ahayd markii ciidamada maamulka ku-meel gaarka Jubba oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ka socda Kenya la wareegeen deegaanka Buulo Guduud oo ay maamuli jireen xarakada Al-Shabaab.