U bood dhigaalka

Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Caawa Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

War degdeg ah oo hadda soo gaaray Goobjoog News ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah ay ku dhacday degmada Wadajir ee magaaladan Muqdisho.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in illaa afar hoobiye ay ku dhacday xaafadda Buulaxuubeey ee magaalada Muqdisho, waxaana warar kale ay sheegayaan in madaafiicdu ay intaas ka badan tahay.

Guddoomiyaha degmada Wadajir iyo maamulkiisa ayaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray, waxaana inta la og yahay illaa hadda ku dhaawacmay 11 qof oo seddex kamid ah ay tahay haween kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana jirta dhimasho iyadoo khasaaraha dhaawaca uu intaas ka badan karo.

Dhawaqa baabuurta Ambalaasta ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyeyaashani lala rabay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Faahfaahin wixii intaas dheer dib kala soco

Goobjoog News