U bood dhigaalka

Hoos U Dhac Ku Yimid Khudaarta Lagu Iibiyo Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareenayaa nuucyada kala duwan ee Khudaarta taasi oo lagu iibiyo Suuqyada Magaalada muqdisho .

Dadka iibiya Khudaarta ayaa sheegaya in qiimaha Khudaarta hadda laga dareemayo hoos u dhac ka dib markii Suuqyada la keenay khudaar badan oo ka soo g’day labada shabelle.

Suuqyada Khudaarta waxaa la keenay nuucyada kala duwan ee khudaarta taasi oo ka soo go’day deegaannada shabeelooyinka waxaana hadda lagu kala iibisanaa qiimo ka hooseeya intii hore.

MaaSka Koostada ah ayaa horay waxaa loo iibin jiray suuqyada Muqdisho qiimo dhan 80 kun oo Shilin Soomaali ah, halka hadda la iibinayo qiimo dhan 4o kun oo Shilin Soomaali ah.

Kiilooyinka Baradhada iyo Basasha ayaa waxaa horay loo iibin jiray 40-50 kun oo Shilin Soomaali ah halka hadda la iibinayo qiimo ka yar intii hore.

Khudaarta ayaa horay u aheyd qaali sababo la xiriiray abaaro ku dhuftay dalka iyo roobab xiray waddooyinkii ay soo mari la haayeen baabuurta sida Khudaarta balse hadda waxaa laga dareemayaa isbadal ka wanaagsan kii hore.

Goobjoog News