U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Qiimaha Lagu Raaco Diyaaradaha Ee Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Waxaa hoos u dhac ballaaran laga daraamayaa qiimaha lagu raaco diyaaradaha ee magaalada Baladweyne, ka dib markii magaaladaasi ay ku bateen diyaaradaha shacabka qaada.

Tartan ballaaran oo dhanka shirkadaha duulimaadka ah ayaa ka billawday magaalada Baladweyne, waxaana diyaaradaha ay yihiin kuwo isku fulisaya qarashaadka diyaaradda lagu raaco.

Horay waxaa magaalada Muqdisho iyo Baladweyne diyaaradaha loogu raaci jiray lacag dhan 115 doolarka Maraykanka ah, hase ahaatee diyaarad cusub oo lagu magacaabo Star Som ayaa isbedal ku sameysay arintaasi.

Diyaaradaan ayaa dadka ku qaadaysa lacag dhan 80 doolarka Maraykanka, waxaana u dhaxeeya lacag dhan 35 doolarka Maraykanka ah.

Injineer Cabdullaahi Hurre oo ah wakiilka gobalada dhexe ee shirkadda diyaaradaha Star Som ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in qiima dhimistaan ay ugu tala galeen in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabullaahi Hurre, in diyaaradooda lacag la’aan ay ku qaadi doonto dadka da’da ah ee xanuunsanaya, Curyaamiinta iyo dadka caawinta u baahan, waxaana midaasi uu ku micneeyay inay tahay adeegii ugu horeeyay ee si naxariis leh diyaarad u sameyso.

Magaalada Baladweyne diyaaradaha waxa ay tagi jireen Lama maalin oo kaliya Todobaadkii, balse hadda maalin walba waxaa magaaladaasi ka jira duulimaadyo.

Goobjoog News