U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Tabcashada Beeraha Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Hoos u dhac ballaaran ayaa xilligaan laga dareemayaa tacabka beeraha, gaar ahaan kuwa la beero xilli roobaadka.

Qaar ka mid ah beeraleyda gobalka Shabellaha Hoose oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in roob badan oo aan gobalka ku da’in ay sababtay in hoos u dhacdo tabcashadooda.

Sidoo kale Beeraleyda qaar ayaa sheegay in muddo Afar Sano ah aanay waxba tabcan, sababtuna waxay ku tilmaameen abaartii Sanado kahor ku dhufatay gobalada Koonfureed iyo sidoo kale roobkii oo yaraado.

Yuusuf Sharey Xaaji oo waxa uu ka mid yahay beeraleyda xilliga Xareedda wax tabca, waxaana uu sheegay in wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-ka oo abaaro ay ku dhufteen qaar ka mid ah gobalada dalka ay sababtay in roobkii yaraado, sidoo kalena aysan iyaguna waxba beeran.

Waxa u sheegay Yuusuf in aysan awoodin inay isticmaalaan biyaha wabiga, sababta ayuu sheegay in qarash badan ay u baahan tahay in Far (Biyo Mareen)  laga soo jeexo wabiga.

Maadaama beeraleyda Xilli roobaadka wax beerta ay gabeen howshooda, waxa ay taa bedalkeeda doorbideen in dhulkii ay wax ku beeran lahaayeen ka kireystaan ganacsatada Liinta Dhoofisa, si halkaasi ay ugu qalajistaan.

Cabdulqaadir Maxamed oo isna ka mid ah Baaraleyda Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog News, in shaqsi ahaan uusan beer tabcan ku dhawaad 5, sano, sidaa darteedna uu dhulkiisa ka kireeyay ganacsatada Liinta qaljisa, si noloshiisa ugu maareeyo.

Goobjoog News