Kalluunka oo ka mid ah Kheyraadka eebbe uu ku maneystay dalkeena  ayaa xiligan uu hoos u dhac ku yimid qiimaha la iibiyo nuucyadiisa kala duwan xilli lagu guda jiro waqtiga bad xiranka oo ay ragga jalaabta kalluunka ay ku adag tahay helidiisa .
Halkan waa kawaanka kalluunka Ee degmada Xamarweyne waa suuqa ugu balaaran ee loo iibkeeno Malaayga, mashquul xoogan ayaa laga dareemayaa waxaana ku sugan macaamiil dooneysa inay  kalluun ka iibsadaan .
Mustaf Xaaji Maki waa ganacsade 18 sano ku guda jiray ka ganacsiga kalluunka, waxa uu la hadlay Goobjoog Business  isagoo sheegay  in haatan hoos u dhac laga dareemayo sicirka uu iibinayo Nuucyada kale duwan ee kalluunka sida Jeedarka, yuumbiga, Dhiiglowga, iyo nuuca la yiraah seynab.
Mustaf Tokiyo wuxuu yiri ‘’ Kiilada malaayga Yuumbiga waxa maanta la gadayaa $8, kilada Seynabta ah 6$ Jeedarka waxaa lagadaa 5$, Daambariga waxaa la gadaa 4$, Yaxaaska waxaa la gadaa 2.5$, Qashaarka ama saafida waxa lagaa gadayaa $1- 1.5.
Maki waxa uu sheegay in xilliga xagaaga kalluunka ahaan jiray mid aad u yar taasi oo qiimihiisa ka dhigi jirtay mid qaali ah balse wuxuu farta ku fiiqay in xagaagaan uu ka duwan yahay kuwii hore islamarkaasna qiimaha  kalluunku uu yahay mid hooseeye .
Si kastaba iyadoo la filayay in sara u kac uu ku yimaado sicirka kalluunka waqtigani madaama lagu guda jiro xiligii bad xiranka ayaa taa bedelkeeda waxaa muuqanaya in kalluunka  aysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid qiimihiisa caadiga ahaa.
Goobjoog Busniess