U bood dhigaalka

Hooyo Isbitaalka Banaadir Ku Umushay Afar Gabdhood oo Mataano ah

Sheeko:Caafimaadka

Hooyo Soomaaliyeed ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir waxaa ay ku umushay afar Gabdhood oo Mataano ah, hooyadaan ayaa ka timid deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Agaasimaha guud Isbitaalka Marwo Fartuun Shariif ayaa sheegtay in carruurtan iyo hooyadood ay badqabaan, Marwo Shariif waxa ay sheegtay in haweeneydaasi ay si dhib la’aan ah u umushay Caruurta.

Maryan Maxamed Xasan oo ah 38 jir ayaa sheegtay in caruuntaan ay yihiin Da’dii Tobanaad oo ay dhasho, iyadoo warbaahinta la wadaagtay in ay dareemi jirtay mataano ka badan laba caruur ah in ay sido.

Maamadaan ayaa ah hooyadii ugu horeysay oo isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ku umusha caruur mataano afar ah, sida ay warbaahinta u sheegtay agaasimaha guud isbitaalka isbitaalka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa ku  booqday Isbitaalka Hooyada Soomaaliyeed ee Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka ayaa afarta gabdhood ugu magacbixiyay Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey labadooda Marwooyinka Qaranka, halka halka labada kalena loo bixiyay Fartuun  Xalwo oo kala ah Agaasimaha Isbitaalka iyo Umulisadii hooyo Maryan Maxamed Xasan.

Goobjoog News