U bood dhigaalka

Hooyo Iyo Canug Ay Dhashay Oo Ku Geeriyooday Baraag Biyood Ay Ku Dhaceen, Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Hooyo Xaamilo ah iyo canug yar oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday baraag biyood ay ku dhaceen taasi oo ku taallay Deegaanka Jalab oo hoostaga degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Nabadoon Jaamac Yuusuf Warsame oo ka mid ah ehlada Haweeneydan iyo canugeeda dhintay ayaa u sheegay Goobjoog News in falkaan uu si lama filaan ah uu ku dhacay.

Waxa uu sheegay in deegaankaasi laga qodo baraakado yar yar balse roob halkaasi ka da’ay uu sababay in dhulkii oo dhan biyo uu wada dhigay, taasna ay keentay in la kala garan waayo meesha bargad ah iyo sidoo kale meesha caadiga ah, maadaama bargadaha aan sare loo qaadin dhismahooda islamarkaana aanay lahayn calaamado kale oo lagu garan karo.

Barkaddaan ayaa hoos u qodan wax ka badan 3 Mitir, waxaana kaliya la arkay Haweeneydaas iyo canugeeda oo meyd ah.

Dhacdooyinka sidaan oo kale ah ayaa kusoo laablaabtay deegaanno ka mid ah gobolka Nugaal.

Tuulada Jalam ee falkaan uu ka dhacay ayaa qiyaastii 80 km waxay u jirtaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Goobjoog News