U bood dhigaalka

Hooyo Qaali : Fahad Yaasiinoow Gabadhaydii Adiga Ayay Kugu Maqan Tahay

Sheeko:Amniga

Maamo Qaali Guhaad oo ah hooyada dhashay marxuumad Ikraan Tahliil Faarax ayaa ka hadashay wareysi uu dhiibay Fahad Yaasiin Xaaji oo ku eedeysan dilka marxuumadda xilligii uu ahaa agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Nisa, isaga oo ku xusay in Ikraan ay dileen Ra’iisulwasaare Rooble, agaasime  Mahad Maxamed Salaad iyo wasiir Alcadaala.

“Ninyahow wax muuqda oo Umadda Soomaaliyeed qancin kara la imow, Fahad Yaasiinoow gabadhaydii si ay kaaga maqan tahay majirto, Wajigaaga ayeyna ku qoran tahay, waxna ha ismadluumin oo hoos ha u jeesan, Ikraan Tahliil Banka Qiyaamo xitaa waa kula tagaysaa” ayey tiri mama Qaali Guhaad oo hadashay wareysiga uu bixiyey eedeysane Fahad Yaasiin Xaaji

Maamada oo sii hadlaysa ayaa sheegtay haddii uu Ra’iisulwasaare Rooble uu ka dambeeyo dilka gabeeda muxuu mar hore u cadeyn waayey, waxaana maamadu ay shaki galisay sababta Fahad uusan u hadlin muddadii sanadka ahaa oo ay maqneyd gabadheeda Ikraan , waxaana ay ugu baaqday Fahad Yaasiin inuu la yimaado wax ka gadmi kara umadda Soomaaliyeed.

“Nimankaan Akhayaarta ah ha kusoo rukumanin, Ra’iisulwasaaraha haddii aad wax ku hubtidsanad ayaa laga joogaa arrintaan ayada ah, sanadwixii ka dhiman waa baryo, tani waa kaa halowday, umadda Soomaaliyeed waxaa ka gadi kartid la imow ninyahow, dadku caqli ayuu qabaa, marmarsiyo wax kuu soconaayo maahan” ayey sii raacisay hadalkeeda maamada.

Qaali Guhaad ayaa sidoo kale hadalkeeda ku xustay in Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey labadooda ay u sheegeen in gabadhii Shabaab ay ku maqan tahay, waxaana ay intaas raacisay in aysan jirin cadeymo muujinaya in gabadheeda ay dileen xoogaga Al-shabaab oo horay isaga bari yeelay ku lug lahaanshiyaha dilka marxuumad Ikraan Tahliil Faarax oo Nisa lagu tuhmayo.

“Shalay adiga ayaa Shabaab ku sheegay, kii kula joogay Yaasiin Fareey ayaa Daraad Shabaabaa dilay lahaa, inta ii yimid ayuu igu yiri gabadhii Dhaytubaako ayey jirtaa, Gabadhii waxaa ay jirtaa Mubaarak, intaba waa la waydiiyay,Soomaali waa isla dhalatay, Xarakatu Shabaab waa iska bari yeeleen shaqana kuma lihin ayey dhaheyn” ayey sii raacisay hadalkeeda Qaali.

Qaali Guhaad ayaa ugu dameyn waxaa ay baaq u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud” Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuudow Umadda Soomaaliyeed u cadaalad fal, gabar yar haddii ay dhib soo sheegato soo istaag oo ka hadal, dhibka ay tabanayso la fariiso oo waydii,  dhibaato ayaa na haysato, Kiiskaan waa inaad maxkamadda si deg deg ah u furtid, baaris hufan oo wixii hore ay banaanka ka yihiin lagu sameeyo,  Umadda Soomaaliyeed waxaa ay kaa rabtaa cadaalad, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wixii uu igu sameeyey umadda yey ku dhicin madaxweyne” ayey kusoo gabagabaysay hadalkeeda.

Goobjoog News