U bood dhigaalka

Hooyo Umul Ah iyo Caruurteeda oo Lagu Dilay Shabeellada Dhexe

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo koox hubeysan oo habeenimadii xalay dad shacab ah ku dilay deegaanka Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, wararka ayaa intaa ku daray in khasaaraha uu soo gaaray hooyo iyo caruurteeda.

Kooxdan ayaa la sheegayaa iney dileen ilaa seddex ruux oo isku qorys ah, halka sidoo kale uu jiro dhaawac soo gaaray labo ruux oo kale.

Sida ay uu sheegayo weriyaha Goobjoog News u gobolka, kooxda hubeysan ayaa toogtay dadkaas oo shacab danyar ah ahaa, waxaana lasoo sheegayaa in  dadka la laayay ay ahaayeen hal qoys, oo kala ahaa hooyo Umul, Ilmo yar oo 40 maalmood dhallanaa iyo Wiil ay dhashay oo Seddex sano jir ahaa sida lagu helaayo wararka la helaayo.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda falkaas gaysatay ay dhaawac u gaysteen Hooyo iyo Wiil ay dhashay, kuwaas oo wararku sheegayaan in dhaawac aad u daran uu soo gaaray, deegaanka ayaana lagu magacaabaa Xaluula kaas oo yimaado degmada Warsheekh gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaankaan ayaa inta  badan waxaa uu yahay dhul howd ah waxaana dhacdadaan ay ka dhalatay in haysiga dhul, waxaana jiray in dhowr jeer hore lagu dagaalamay deegaanka, taas oo sababtay in maamulka Hirshabeelle ay xabsi dhigaan odeyaaal dhaqameed ka soo jeedo deegaanka, oo ay sheegeen in ay hortaagan yihiin nabadda deegaanka.

Goobjoob News