U bood dhigaalka

HOP#140 Oo Saaka La Dooranayo

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay qabtaan  doorashada Kursiga HOP140.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa Sabtidii magaalada Jowhar waxa ay shahaadada musharaxnimo siiyeen musahrixiinta u tartamaysa kursigaan, waxaa kursigaan ku tartamaya musharixiinta kala  Cabdulqaadir Cosoble Cali iyo  C/kariin Cilmi Tifo.

Cosoble oo sidoo kale kamid ah musharixiinta xilka madaxweynanimada dalka ayaa ah xildhibaankii ku fadhiyay kursigaan afartii sano ee la soo dhaafay .

Goobjoog News