U bood dhigaalka

Hordhaca Horyaalka Somaaliya-Yaa Guulo Badan Kooxaha Heegan VS Dekedda

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Dekedda oo ah naadiga difcaanaysa horyaalka labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay wuxuuna kulan u yahay labada dhinac kulamadoodii 8-aad horyaalka Somalia Premier xili ciyaareed 2018-2019.

Xidigaha kooxda Heegan kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay natiijo 1-0 ka gaareyn kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Horseed,Heegan waxa ay ku jirtaa kaalinta 2aad ee kala horeynta horyaalka waxayna lee dahay 15-dhibcood.

Naadiga Dekedda ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay natiijo 2-1 kaga adkaadeen Jazeera Sports Club waxaana goolasha u dhaliyay Towfiq Zakariye,wiilasha xafidinaya horyaalka labada sano lasoo dhaafay waxa ay fadhiyaan kaalinta 1-aad ee kala sareynta,iyagoo leh 16-dhibcood.

Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor

-6 June 2018– Maamulka kooxda Heegan ayaa warbaahinta usoo bandhigay xidigaha kala ah Cabdi Casiis Catoosh iyo Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka mid xirfadyahanadii waqtiga wacan kusoo qaatay L.L.P Jeenyo inkastoo Catoosh ee Heegan kaga yimid kooxda Dekedda.

15-May 2018Xidigihii hore kooxda Jeenyo Daa’uud Cabdullahi Tubaal iyo Feysal Xasan Xaashi ayaa Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Premier League waxayna iminka ka mid yihiin shaxda ugu wanaagsan ee Tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali).

-Maxamed Nuur Cabdi uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Heegan oo iminka ku sugan Dekedda ayaa waxaa u suura gashay in uu kooxdiisa la hanto horyaalka iyo Somali Super Cup laacibka waxa uu ka dheelaa qadka dhexe.

-19 September 2018- Catoosh ayaa kooxdiisa Dekedda ku laabtay,isagoo mudo sanad ah kabtan u ahaa kooxda ciidan booliska ee Heegan intaa uu ku sugnaa waxaa u suura gashay in uu dhaliyo ilaa 5-gool tartamadii uu qeyb galay.

“Sababta ugu weyn ee aan ugu laabtay kooxda Dekedda waxa ay tahay jacelka aan u qabo maamulka,saaxiibadyada iyo taageerayaasha waxaana go’aan ku qaatay in kasii mid ahaado sanadaha soo aadan si aan u sii balaariyo xirfadayda iyo in aan la hanto koobabka waaweyn ee dalka” waxaa Goobjoog Sports ugu waramay ”Cabdi Casiis Catoosh.

-Kooxda Heegan hanashada horyaalka Somalia Premier League  waxaa ugu danbeesay sanadii 2015 oo iminka laga joogo mudo shano ah,balse iminka waxa ay qabaan rajada ku guulaysiga horyaalka Somalia Premier League 2018-2019.

-Kulanka waxaa iska hor imaandoona xidigihii hore Jeenyo Cabdi Casiis Catoosh,Feysal Xaashi iyo Daa’uud Tubaal oo kasoo muuqdandoona dhinaca Dekedda,yeelkeeda taa Heegana waxaa ku sugan oo shabaqa u ilaalinaya goolhaye Mustaf Maxamed Yuusuf .

Macalinka kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) mar ii  bisha Febraayo 2019 la hadlay Goobjoog Sports waxa ii sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay rabaan in ay dhigaan taariikh cusub oo ku aadan hanashada horyaalka Somalia Premier League sanadkii sadeexaad oo xariir ah.

Kulankamadii U Danbeeyay Labada Koox

12/03/2018      Heegan SC       0:0 Dekedda SC

02/05/2018      Dekedda SC     1:1 Heegan SC

16/02/2017      Dekedda SC     1:1 Heegan SC

12/05/2017        Dekedda SC     0-0 Heegan SC

03/03/2016      Heegan SC       3:0 Dekedda SC

28/12/2015      Dekedda SC     1:0 Heegan SC

27/02/2015      Dekedda SC     0:2 Heegan SC

29/05/2015      Heegan SC       2:0 Dekedda SC

07/06/2012      Heegan SC       1:1 Dekedda SC

29/09/2012      Dekedda SC     2:4 Heegan SC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019

Kooxaha-Heegan VS Dekedda

Tariikhda:-28-03-2019

Maalinta:-Khamiis

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27°

Garoonka: – Banaadir Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle