U bood dhigaalka

Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur lagasoo kala aruuriyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbi jiif

Sheeko:Amniga

Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur lagasoo kala aruuriyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbi jiif.

Deeqdaan lacageed ayaa hay’adu ugu tala gashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi kobac oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro busha barakeysan ee ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur Maamo Ugaaso oo xanaaneesa caruurtan ayaa kaga mahad celisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iaydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.

Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, Barnamijka Taakuleynta iyo Afurinta Bisha Ramadaan.